Sawirro+ Video: Dhimashada Weerarada Masaajidda Muslimiinta New Zealand oo gaartay 49.

Friday March 15, 2019 - 19:30:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro+ Video: Dhimashada Weerarada Masaajidda Muslimiinta New Zealand oo gaartay 49.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq aan kala sooc laheyn oo gaalo xagjir ah u geysteen dad muslimiin ah xilli ay ku cibaadeysanayay masjid kuyaal wadanka New Zealand.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya xasuuq aan kala sooc laheyn oo gaalo xagjir ah u geysteen dad muslimiin ah xilli ay ku cibaadeysanayay masjid kuyaal wadanka New Zealand.

Ugu yaraan 49 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen toogashada oo ka dhacday laba masjid oo kuyaal magaalada Christchurch, khasaaraha ugu daran wuxuu ka dhashay masjidka Al Nuur oo weerar hubeysan uu ku qaaday nin kasoo jeeda wadanka Autsralia.

Saraakiisha Booliska New Zealand waxay sheegeen in dad gaaraya 50 qof muslimiin ay ku dhaawacmeen weerarada oo lagu beegsaday laba masjid oo salaadda jimacaha ay ku tukanayeen dadka muslimiinta ah.

20 qof oo kamid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda caafimaad laga dayrinayaan, Jacinda Ardern oo ah haweenayda R/wasaaraha ka ah wadanka New Zealand ayaa sheegtay in weerarkan uu ahaa mid si heer sare ah loosoo abaabulay iyadoo ku sifaysay fal argagaxiso.


Ninka gaalka ah ee fuliyay weerarka Masjidka Al Nuur ayaa adeegsanayay hub casri ah waxaana weerarka cadowtooyo ee uu muslimiinta ku qaaday si toos ah looga daawanayay baraha Internetka.

Jaaliyadaha muslimiinta ee ku dhaqanka wadanka New Zealand waxay sheegeen in ay ka walaacsanyihiin masiirkooda mar haddii gummaad daran mar qura ay ugeysteen dadka gaalada ah ee ay la noolyihiin.

Video lagu baahiyay baraha Ineternetka ayaa muujinayay ninka gaalka ah oo muslimiinta mid mid utooganaya wuxuuna adeegsanayay qoryaha fudud ee sida darandooriga ah udhaca,  gaalka gumaadka geystay ayaa umuuqday nin aan wax baqdin ah qabin waxaana larumeysanyahay in weerarkan uu ahaa mid si heer sare ah loosoo qorsheeyay.

Kooxaha Nasaarada Midigta ee islaam naceybka ku caanbaxay ayaa larumeysanyahay in ay weerarkan soo qaadeen, hoggaamiyaasha gaalada caalamka ayaa ka hadlay weerarkan balse kuma sifayn fal argagaxisada sida ay caanka ku ahaayeen marka muslimiintu weeraraan gaalada.

Hoos Ka Daawo Video uu iska duubay Ninkii toogashada geystay








Related Items