Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray Wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle.

Saturday March 16, 2019 - 11:12:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddooyinka Muqdisho oo loo xiray Wafdiga Ismaaciil Cumar Geelle.

    Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho arrinkaas oo saameeyay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka ayaa saaka xiray inta badan waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho arrinkaas oo saameeyay isku socodka gaadiidka dadweynaha.

Kumanaan qof shacab ah oo ukalahayay goobaha waxbarashada iyo shaqooyinka suuqyada ayaa saaka la arkayay iyagoo ku lugaynaya jid cadayaasha magaalada Muqdisho.

Ciidamo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa lagu arkayay iyagoo waddooyinka dhagxaan ku goynaya islamarkaana gaadiidka dadweynaha ka celinaya.

Waddooyinka sida aadka ah ciidamada loosoo dhoobay waxaa kamid ah Makka Al Mukarrama iyo wadnaha oo halbowle u ah isku socodka dadweynaha Muqdisho.


Tallaabadan lagu ciriiri gelinayo shacabka ayaa lagu raalli gelinayaa Ismaaciil Cumar Gelle oo ah madaxweynaha Jabuuti kaasi oo maanta barqadii kasoo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Socdaalka Gelle ayaa lagu sheegay in uu salka ku hayo ka qeyb galka munaasabad lagu furayo dhismaha safaaradda Jabuuti ee Muqdisho taasi oo kutaal degmada Cabdi Casiis.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items