Dhageyso: Sheekh Cali Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuqa Muslimiinta Loogu Geystay Dalka New Zealand.

Sunday March 17, 2019 - 06:38:26 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sheekh Cali Dheere Oo Si Kulul Uga Hadlay Xasuuqa Muslimiinta Loogu Geystay Dalka New Zealand.

    Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo kalimad jeediyay ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii wuxuushnimada ee maalintii Jimcaha ka dhacay wadanka New Zealand, kaas oo lagu dilay tobanaan ruux oo Muslim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cali Maxamuud Raage, Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo kalimad jeediyay ayaa ka tacsiyeeyay weerarkii wuxuushnimada ee maalintii Jimcaha ka dhacay wadanka New Zealand, kaas oo lagu dilay tobanaan ruux oo Muslimiin ah.


Sheekh Cali ayaa ugu horreyn wuxuu tacsi u diray guud ahaan dadkii Muslimiinta ahaa ee lagu gumaaday weeraradii lagu qaaday labada Masjid ee ku yaalay magaalada ChristChurch ee wadanka New Zealand  wuxuuna Allaah uga baryay "inuu ka aqbalo intii ku shahiiday, una boog dhayo kuwa dhaawaca ah”.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab oo soo daliishanaya nusuus sharci ah ayaa Muslimiinta ku booriyay in ay sabraan islamarkaana ixtisaabsadaan, isagoona sheegay in Mujaahidiintu ay la xanuunsanayaan ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaas wuxuushnimada ahaa.



"Dhacdadaas foosha xun ee ka dhacday New Zealand waxay markale daaha ka rogeysaa colaadda gaamurtay ee ay gaaladu u qabaan Muslimiinta, waxay marag ma doonto u tahay xiqdiga saliibiga ah ee kuwaas falkaas geystay iyo kuwa kale ee gadaal ka taagan ay u hayaan dadka muslimiinta ah” ayuu yiri Sheekh Cali dheere Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab.

Muslimiinta ku nool wadamada Reer galbeedka ayuu Sheekh Cali dheere ugu baaqay iney fahmaan waaqica ka jira caalamka, ayna wax ku dhistaan, isagoona ku waaniyay in aaney ku kedsoomin hadallada ay jeediyaan madaxda iyo siyaasiyiinta Reer-galbeedka ee ku aadan wada noolaansha iyo xurriyada diimaha.

Halkan ka dhagayso Kalimadda Sheekh Cali dheere ee dhacadadii New Zealand.

Related Items