Ruux Filasdiin ah oo si yaab leh 2 Qof Yahuud ah ugu dilay Daanta galbeed.

Sunday March 17, 2019 - 15:12:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruux Filasdiin ah oo si yaab leh 2 Qof Yahuud ah ugu dilay Daanta galbeed.

    Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee gummeysiga Yahuuda ku jira ayaa sheegaya in weerar halyaynimo oo ay fuliyeen dhalinyaro Filasdiiniyiin ah lagu dilay askar Yahuud ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya dhulalka filasdiin ee gummeysiga Yahuuda ku jira ayaa sheegaya in weerar halyaynimo oo ay fuliyeen dhalinyaro Filasdiiniyiin ah lagu dilay askar Yahuud ah.


Ugu yaraan askari Yahuudi ah iyo qof kale oo isna Yahuudi ah ayaa dhintay kadib markii ruux filasdiini ah oo Tooreey ku hubeysan uu weerar ku qaaday bar koontarool oo kutaal deegaanka Salfiit ee waqooyiga Daanta Galbeed.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ruux Filasdiini ah oo Tooreey ku hubeysan uu askari Yahuudi  xoog uga furtay qorigii uu watay kadibna uu goobta ku toogtay, daqiiqado kadib ayuu markale toogasho ku dilay qof yahuudi ah oo xoog lagu dajiyay daanta galbeed, warar kale wuxuu sheegayaa in ruuxa filasdiiniga ah horay usii kaxaystay gaari ay lahaayeen ciidamada Booliska.


Saraakiisha Booliska Yahuudda waxay sheegeen in ragga weerarka qaaday ay ahaayeen 2 wiil dhalinyara ah kuwaas oo adeegsanayay Tooreeyo, Video lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay geesinimada muslimiinta Filasdiin oo Tooreey hubkii ay wateen uga furtay askarta waxa loogu yeero Israa'iil oo ah kuwa ugu qalabka iyo tababarka wanaagsan mandiqadda loo bixiyay bariga dhexe.

Boqolaal kamid ah ciidamada Yahuudda ayaa lagu daadiyay deegaanka weerarku ka dhacay waxayna baadi goob ugu jiraan raggii weerarka fuliyay oo si xirfadeysan goobta uga dhaqaaqay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items