Xildhibaan Ku Jeesjeesay Muslimiintii Lagu Laayay Dalka New Zealand oo Ukun lagu weeraray.

Sunday March 17, 2019 - 14:50:53 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ku Jeesjeesay Muslimiintii Lagu Laayay Dalka New Zealand oo Ukun lagu weeraray.

    Dad badan oo reer galbeed ah ayaa si diiran usoo dhaweeyay weerarkii dhawaan lagu gumaaday dad muslimiin ah oo masjid ku cibaadeysanayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan oo reer galbeed ah ayaa si diiran usoo dhaweeyay weerarkii dhawaan lagu gumaaday dad muslimiin ah oo masjid ku cibaadeysanayay.


Dadkaas waxaa ugu caansan xildhibaan ka tirsan Baarlamanka dalka Australia kaasoo si jees jees ah uga hadlay dhacdadii New Zealand oo dadka lagu dilay ay tiradoodu gaareyso 50 halka dhaawacoodu uu dhowr iyo afartan yahay.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Senator Fraser Anning oo shir jaraa’id qabtay ayaa ku eedeeyey muslimiinta iney cadaw yihiin dhibaatooyinna ay ka geysteen meelaha ay soo galootiga ku yihiin.

"Falkii lagu laayey Muslimiinta waxaa uu ka dhashay falalka argagaxiso ee ay ku hayaan dadka soo dhoweeyey, dhacdadana waxay jawaab u tahay arintaas” ayuu yiri Senator Fraser Anning oo ka mid ah dad badan oo soo bandhigay cadaawadooda ka dhanka ah Muslimiinta.



Waxaa xusid mudan intii uu xildhibaankan ku guda jiray shirkiisa jaraa’id in uu qabsaday weerar naxdin badan ku abuuray kadib markii wiil 14 jir Muslim ah oo goobta joogay uu jeegada kaga dhuftay ukun.

Intaasi kadib xildhibaankan ayaa aad u carooday wuxuuna u gacan qaaday wiilkii yaraa oo ka damqaday sida uu ninkan ugu jeesjeesay dadkii muslimiinta ahaa ee masjidka lagu gumaaday.

Gacan qaad kadib waxaa xildhibaankii qabtay dad kale oo goobta joogay. Arrintan ayaa waxay walwal ku beertay dadka muslimiinta ah ee ku nool wadamada Yurubta iyo Mareykanka.

Ugu dambeyntii hadalka xildhibaanka Australia u dhashay ayaa noqday mid si aad ah looga hadal hayo baraha bulshada ee Internetka.

Xigasho: Radio Al Furqaan

Related Items