Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Degmada Xudur Oo Weeraro Safballaaran ah lagu qaaday.

Sunday March 17, 2019 - 15:14:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saldhigyada Ciidamada Itoobiya Ee Degmada Xudur Oo Weeraro Safballaaran ah lagu qaaday.

    Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xalay markale weeraro saf ballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xalay markale weeraro saf ballaaran ah ku qaaday saldhigyada ciidamada dowladda Itoobiya ee xoogga ku jooga magaalada Xudur ee gobolka Bakool.


Wararka ka imaanaya Xudur ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe ay weeraro aad u xooggan lakulmeen saldhigyada ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed.

Xoogaga Al Shabaab ayaa mar qura weeraray dhammaan saldhigyada ciidamada Itoobiya, dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jabaqda rasaas iyo madaafiic lays dhaafsanayay, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in xoogaga Al Shabaab ay muddo kooban la wareegeen dhowr difaac oo ciidamada Itoobiya uga sugnaayeen gudaha degmada Xudur.


Markii dagaalku cuslaaday ayay maleeshiyaadka maamulka Koonfur galbeed cagaha wax ka dayeen waxayna maciin bidiyeen saldhigyada ciidamada Itoobiya oo xilligaas weerar xooggan uu ku socday, wararka ayaa intaas ku daraya in saaka waaberigii ay ciidamada Itoobiya madaafiic ku garaaceen xaafado katirsan magaalada Xudur madaafiicdaas ayaa muujinaysay jiha wareerkii ka raacay dagaalkii xalay.

Dagaalkii xalay oo ahaa midkii ugu xooganaa ee sanadkaan gudihiisa ka dhaca degmada Xudur ayaan la ogeyn khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee kasoo gaaray ciidamada gummeysiga Itoobiya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada u ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items