Dowladda Burundi Oo Ka hadashay Masiirka 600 oo kamid ah Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

Sunday March 17, 2019 - 15:13:35 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Burundi Oo Ka hadashay Masiirka 600 oo kamid ah Ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya.

    Dowladda Burundi ayaa markale ka hadashay masiirka boqolaal katirsan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya oo laga rukhseeyay kamid ahaanshiyaha dalladda AMISOM ee maamusha duullanka ciidamada shisheeye ay kusoo qaadeen Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Col Floribert Biyereke Afhayeenka ciidanka Burundi
Dowladda Burundi ayaa markale ka hadashay masiirka boqolaal katirsan ciidamadeeda ku sugan Soomaaliya oo laga rukhseeyay kamid ahaanshiyaha dalladda AMISOM ee maamusha duullanka ciidamada shisheeye ay kusoo qaadeen Soomaaliya.


Col Floribert Biyereke oo ah Afhayeenka ciidamada Burundi ayaa Jimcihii lasoo dhaafay usheegay warbaahinta in qorshihii ciidamada wadankiisa loogasoo daad guraynayay Soomaaliya uu wali taaganyahay balse uu jiro ismariwaa kala dhaxeeyo Ururka Midowga Afrika.

Wuxuu sheegay in 600 oo kamid ah Ciidamada Burundi dhowaan dib loogusoo celin doono dalka isagoo sababta keentay dib udhaca ku yimid bixitaanka ciidamadooda ku tilmaamay cillad ka jirta dhanka Midowga Afrika iyo dowladda Federaalka oo codsanaysa in ciidamadu sii joogaan.


Afhayeenka ciidamada Burundi ayaa xaqiijiyay in 400 oo kamid ahaa 1000-kii askari ee lagu amray in ay Soomaaliya ka saaraan dalkooda dib loogu celiyo wuxuuna muujiyay in dib ucelinta ciidamada harsan iyaga lagu qasbay oo ay jeclaayeen in ay sii joogaan Soomaaliya.

Maamulka isku magacaabay Hirshabelle ee kajira gobolka Shabeellaha dhexe iyo hoggaanka dowladda Federaalka ayaa horay uga qeylla dhaamiyay amarka kasoo baxay Midowga Afrika ee ahaa in kun katirsan ciidamada Burundi laga saaro Soomaaliya dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo.

Dowladda Burundi ayaa afartii bilba lacag dhan 18 Milyan oo dollar ku qaadata ciidamadeeda duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya waana isha dhaqaale ee ugu weyn ee Burundi ay ka hesho dibadda.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items