Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho ku dilay darawal Moota Bajaaj.

Monday March 18, 2019 - 10:50:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Askari ka tirsan Ciidanka dowladda oo Muqdisho ku dilay darawal Moota Bajaaj.

    Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday weerarada ay ku beegsanayaan darawalladda Mootada sedax lugooleyda ah ee loo yaqaan Bajaajta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa sare uqaaday weerarada ay ku beegsanayaan darawalladda Mootada sedax lugooleyda ah ee loo yaqaan Bajaajta.

Askari katirsanaa ciidamada Booliska dowladda ayaa fal naxdin leh ka geystay isgoyska Taleex ee degmada Hodon ee magaalada Muqdisho kadib markii uu toogtay wiil dhalinyara ah oo kaxaynayay Moota Bajaaj.

Goob joogayaal ayaa sheegay in askarigu uu qeybaha sare ee jirka rasaas ugu huwiyay Cabdi Waaxid Jibriil Afrax oo muddo sedax cesha ah aroos ahaa.

Askarigii falka dilka ah geystay ayaa la sheegay in uu isaga baxsaday goobta weerarku ka dhacay, waa markii sedaxaad oo bishaan gudaheeda ay ciidamada dowladdu Muqdisho ku dilaan darawallo kaxaynayay Moota Bajaaj.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items