Dagaallo Khasaara dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaanka Xeraale.

Monday March 18, 2019 - 11:20:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaallo Khasaara dhaliyay Oo Ka Dhacay Deegaanka Xeraale.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen deegaanka Xeraale oo u dhaxeeya degmooyinka Caabud Waaq iyo Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo culus ay markale dib uga qarxeen deegaanka Xeraale oo u dhaxeeya degmooyinka Caabud Waaq iyo Dhuusamareeb.


Dagaalka oo bilaawday saaka arootii hore ayaa u dhaxeeya maleeshiyaad katirsan Kooxaha Mushrikiinta ah ee Ahlusunna isugu yeera iyo maleeshiyaad deegaanka ah.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Meydadka illaa 4 qof oo katirsan dhinacyadii dagaallamay saaka lagu arkay gudaha deegaanka Xeraale, maleeshiyaadka kooxaha Mushrikiinta ayaa la sheegay in looga adkaaday dagaalkii saaka dhacay.

Labada dhinac ayaa gurmadyo ciidan ka kala helaya degmooyinka Dhuusamareeb iyo Caabud Waaq oo taageerayaashoodu ay maamulaan, boqolaal qoys oo deganaa deegaanka Xeraale ayaa isbuucii lasoo dhaafay bilaabay in ay deegaanka isaga barakacaan xilligaas oo ladareemayay xiisadaha colaadeed iyo isku hub aruursiga ay dhinacyadu wadeen.


Dagaalka socda ayaa salka ku haya maamulidda deegaanka Xeraale warar lagasoo xigtay dadka deegaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka deegaanka ee la dagaallamaya Kooxaha Mushrikiinta ee ku biiray maamulla Galmudug ay taageero toos ka ah ka helayaan dowladda Farmaajo oo khilaaf kala dhaxeeyo maamulka uu madaxda ka yahay Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Sanaddii 2017 ayay dagaallo lagu hoobtay ka dhaceen deegaanka Xeraale oo xilligaas wixii ka dambeeyay ka maqnaa gacan ku heynta maleeshiyaadka Kooxaha Mushrikiinta waxaana muuqata in markale uu deegaanku marti gelinayo dagaal xarig jiid ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items