Bulshada Muqdisho oo Muddo Laba Maalmood Ah Loo Xannibay Ismaaciil Cumar Geelle Joogitaankiisa [Dhageyso].

Monday March 18, 2019 - 11:29:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bulshada Muqdisho oo Muddo Laba Maalmood Ah Loo Xannibay Ismaaciil Cumar Geelle Joogitaankiisa [Dhageyso].

    Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyay sababta ay dowladda u xirto waddooyinka mar walba oo ay dalka yimaadaam madaxda dowladaha shisheeye Waxay sheegeen in ay dhib badan kala kulmeen booqasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa cabasho xooggan ka muujiyay sababta ay dowladda u xirto waddooyinka mar walba oo ay dalka yimaadaam madaxda dowladaha shisheeye Waxay sheegeen in ay dhib badan kala kulmeen booqashadii uu madaxweynaha Jabuuti ku yimid magaalada Muqdisho.



Dad badan oo maqaayado lahaa ayaanan shaqeysan Kuwa xamaalato ahaa ayaa sheegay in uu dabkooda dansanaa Sabtidii iyo Axadii, Arday badan ayaanan aadin jaamacadahoodii iyo iskuuladoodii halka qaarkoodna ay saacado badan ku qaadatay in ay lug ku tagaan goobahooda wax barasho.

Intaa waxa dheer gaadiidleyda oo iyagana ay soo wajahday shaqo la’aan, tan oo ka dhigan in hal shaqsi oo dalka yimid uu saameyn adag ku yeeshay nolosha 4 Milyan oo ruux oo waliba u badan dad nolol maalmeedkooda soo dhacsada oo aanan keyd kale lahayn.

Halkan Ka Degso Dad Weynaha iyo Cabashadooda

Xigasho: idaacadda Alfurqaan

Related Items