Weerar ay Sedax qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Utrecht ee dalka Holland.

Monday March 18, 2019 - 19:15:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar ay Sedax qof ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Utrecht ee dalka Holland.

    Weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ka dhacay mid kamida magaalooyinka wadanka Holland ee dhaca qaaradda Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara dhimasho iyo dhaawac leh dhaliyay ayaa ka dhacay mid kamida magaalooyinka wadanka Holland ee dhaca qaaradda Yurub.


Wararka ka imaanaya magaalada Utrecht ayaa sheegaya in ugu yaraan 3 qof ay dhinteen kadib markii nin hubeysan uu rasaas ku furay bosteejo laga raaco Tareennada sida uu sheegay taliyaha guud ee booliska dowladda Holland.

Bayaan kasoo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ruuxii toogashada geystay uu wali baxsad yahay oo aan laqaban waxaana xaalad degdeg ah lageliyay xaafado katirsan magaalada Utrecht.

Ruuxa toogashada geystay oo lagu magacaabo Gökmen Tanis ayaa lasheegay in uu yahay 37 sana jir kasoo jeeda wadanka Turkiga, R/wasaaraha wadanka Holland ayaa sheegay in aan weerarka lagu sifeyn karin wax ay ugu yeeray mid Argagaxiso.


Boqolaal katirsan ciidamada Booliska ayaa lagu xoojiyay garoomada diyaaradaha iyo xarumaha dowladda Holland si looga feejignaado suurtagalnimada weerar hor leh maadaama aan wali laqaban ruuxii weerarka geystay, mid kamida dadka ladilay ayaa meydkiisa lagu arkay wadada tareenada magaalada Utrecht.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items