Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qurac Joome.

Sunday June 15, 2014 - 09:32:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qurac Joome.

    Kadib dagaal muddo saacada ah socday ayay ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ugu suurtagashay in ay qabsadaan deegaanka Qurac Joome ee dhulka Soomaaliyeed Itoobiya gumeysato.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib dagaal muddo saacada ah socday ayay ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Bay iyo Bakool ugu suurtagashay in ay qabsadaan deegaanka Qurac Joome ee dhulka Soomaaliyeed Itoobiya gumeysato.
Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in saaka aroortii dagaal culus uu ka bilaawday Qurac Joome kadibna ciidanka shabaabul Mujaahidiin ayaa qabsaday dhammaan goobibii lagu dagaalamay.

Ciidamo katirsan Liyuu Booliska Itoobiya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalka Qurac Joome,isgaarsiinta deegaanka ayaa  hawada laga saaray ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in hub farabadan laga furtay ciidanka Liyuu booliska Itoobiya.



Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada gumeysiga Itoobiya dhawaan ay xasuuq ba’an ka geysteen deegaanno katirsan gobolka Bakool.


Weerarkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyaadkii laga qabsaday Qurac joome ay ubaxsadeen dhanka Tuulada Ari Caddeys ee dhuka Soomaaligalbeed Itoobiya gumaysato.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa bishii lasoo dhaafay ku dhawaad 50 askar Liyuu boolis ah ku dilay weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen tuulada Caato.

Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items