Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Oo Booqasho Kedis ah ku tagay Magaalada Hargeysa.

Monday March 18, 2019 - 19:32:39 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha dibadda Eritrea Oo Booqasho Kedis ah ku tagay Magaalada Hargeysa.

    Markii ugu horraysay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ayaa socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka isku magacaabay Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay wasiirka arrimaha dibadda dowladda Eritrea Cusmaan Saalax Maxamed ayaa socdaal qarsoodi ah ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta u ah maamulka isku magacaabay Somaliland.

Wafdiga oo uu kamid ahaa lataliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Eritrea ayaa madaxtooyada magaalada Hargeysa kulamo kula qaatay Axmed Siilaanyo oo ah hoggaamiyaha maamulka 'Somaliland' iyo mas'uuliyiin kale.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea ayaa ujeedka socdaalkiisa magaalada Hargeysa ku sifeeyay mid qeyb ka ah nabadeynta geeska Afrika sida uu hadalka u dhigay.

Maamulka 'Somaliland' ayaa wafdiga Eritrea umaamusay hanaan dowlad madax banaan oo kale, tallaabadan ayaa dhabar jab ku ah dowladda Farmaajo oo sheegi jirtay in dowladaha bariga ay iyada aqoonsanyihiin oo aysan sharciyad siin doonin maamul goboleedyada Soomaaliya kajira.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items