Duufaanta Idai Oo 1000 Qof ku dishay Wadanka Mozambique.

Monday March 18, 2019 - 20:28:17 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duufaanta Idai Oo 1000 Qof ku dishay Wadanka Mozambique.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duufaanno daadad wata oo ku dhuftay wadamada Simbabwe iyo Mozambique ee dhaca qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duufaanno daadad wata oo ku dhuftay wadamada Simbabwe iyo Mozambique ee dhaca qaaradda Afrika.

Madaxweynaha wadanka Mozambique ayaa caawa ku dhawaaqay in dad gaaraya 1000 qof ay ku dhinteen duufaanta Idai oo ku dhufatay dhammaan gobollada wadanka.

Philip Neussi oo ah madaxweynaha Mozambique ayaa idaacadda Afka dowladda ku hadasha ka sheegay in tirada Meydadka la aruuriyay ay gaarayaan 84 qof balse ay jiraan boqolaal qof oo ay daadadku qaadeen kuwaas oo aan wali laheyn raq iyo ruux.

Mas'uuliyiinta dowladda Mozambique waxay sheegeen in ay halis ku jirto nolosha dad kabadan boqol kun oo qof kuwaas oo ay daadadka ka dhashay duufaanta Idai ay hareereeyeen.


Sawirro xagga cirka lagu qaaday ayaa muujinayay biyaha oo isku gedaamay magaalooyin iyo tuulooyin.

Dhinaca kale ugu yaraan 70 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen duufaanno ku dhuftay wadanka Zimbabwe, wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay ku samata bixinayaan kumanaan kun qof oo daadadku waddooyinka ka jareen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items