Diyaaradaha Mareykanka Oo Gaari Dad Shacab ah la socdeen ku duqeeyay Duleedka Degmada Afgooye.

Monday March 18, 2019 - 20:53:18 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Diyaaradaha Mareykanka Oo Gaari Dad Shacab ah la socdeen ku duqeeyay Duleedka Degmada Afgooye.

    Waraka nagasoo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn la beegsadeen gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waraka nagasoo gaaraya gobolka Shabeellaha hoose ayaa xaqiijinaya in diyaaradaha Maraykanka ay duqeyn la beegsadeen gaari rakaab ah oo ay dad shacab ah saarnaayeen.


Gaariga ayaa marayay deegaanka Caddoow Dibille ee hoostaga degmada Afgooye, waxaana jira waxyeello dhimasho iyo dhaawac isuga jirta oo gaartay dadkii saarnaa gaariga rakaabka ah.

Dad xog ogaal ah oo aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in gaariga uu ahaa noocyada rakaabka qaada, dadka saarnaana ay dhamaantooda ahaayen shacab waxaana la is weydiinayaa sababta ay diyaaradaha Maraykanku u duqeeyeen gaariga shacabka ah.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Maraykanka uu dad shacab ah ku duqeeyo dalka Soomaaliya waxaana tan iyo markii Donald la wareegay talada Aqalka cad uu Soomaaliya u aqoonsaday aag dagaal wuxuuna sare usii qaaday duqeymaha aan loo meel dayin ee lagu beegsanayo dadka shacabka ah.



Xigasho: Radio Al Furqaan

Related Items