Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Culus Kadib la wareegay Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe.

Tuesday March 19, 2019 - 06:21:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal Culus Kadib la wareegay Degmada Balcad Ee Gobolka Sh/dhexe.

    Waxaa soo gaba gaboobay dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo gaba gaboobay dagaal culus oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha dhexe.


Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa xalay duullaan ballaaran ku qaaday degmada Balcad oo qiyaastii 30 KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Dagaal saacado badan qaatay kadib ayay ciidamada Al Shabaab ugu suurtagashay in ay si buuxda ay ula wareegaan gacan ku heynta magaalada, goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Al Shabaab ay baaritaanno ka sameeyeen xarumaha maamulka degmada iyo saldhigyo ay lahaayeen ciidamada dowladda Federaalka.


Shacabka magaalada Balcad waxay sheegeen in ay arkayeen ciidamada 'Mujaahidiinta' oo ku roondeynaya gudaha degmada, ciidamada shisheeyaha Burundi ayaa la sheegay in ay isaga carareen saldhigyadii ay ku lahaayeen magaalada kadib markii uu dagaalku xoogeystay.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ciidamada dowladda Federaalka lagu gaarsiiyay dagaalkii xalay, warar soo baxay waxay sheegayaan in gaadiid uu lahaa maamulka Hirshabelle ay ciidamada Al Shabaab ku gubeen dagaalkii xalay.

Bishii Maarso ee sanaddii 2018 ayay ciidamada Al Shabaab sidaan oo kale ula wareegeen gacan ku heynta degmada Balcad waxaana dagaalkaas lagu dilay in kabadan 23 askari Burundeys ah.

Faah Faahin dheeri ah oo ku saabsan xaaladda Balcad ayaan soo gudbin doonaa insha'Allaah

Related Items