Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanka Buusaar iyo Al Shabaab oo dib ula wareegay.

Tuesday March 19, 2019 - 07:46:12 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo isaga baxay deegaanka Buusaar iyo Al Shabaab oo dib ula wareegay.

    Ciidamada gummeysiga Kenya ayaa isaga cararay deegaankii ugu dambeeyay oo ay uga sugnaayeen gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada gummeysiga Kenya ayaa isaga cararay deegaankii ugu dambeeyay oo ay uga sugnaayeen gobolka Gedo ee dhaca Koonfur galbeed dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa xaqiijinaya in saaka aroortii hore ay ciidamada Melleteriga Kenya  isaga baxeen deegaanka istiraatiijiga ah ee Buusaar.

Dad goob joogayaal ah oo ku sugan deegaanka Buusaar  ayaa xaqiijiyay in ciidamada Kenya ay  faarujiyeen dhammaan saldhigyadii ay deegaanka uga sugnaayeen waxayna afka saareen wadada aadda degmada Ceelwaaq ee kaabiga ku heysa xuduud beenaadka ay Soomaaliya iyo Kenya wadaagaan,


30 daqiiqo kadib ayay ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin waxay  si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaanka Buusaar, ciidamada Shabaabul Mujaahidiin   ayaa baaritaanno ku sameeyay saldhigyadii ay faarujiyeen ciidamada Kenya.

Boqolaal kamid ah dadka deegaanka Buusaar ayaa qaniimeystay wixii sahay ahaa ee ciidamada gummeysiga Kenya uga tagen saldhigyadii melleteri oo ay isaga baxeen.

Deegaanka Buusaar  oo ah mid istitaatiiji ah wuxuu dhacaa Koonfur galbeed ee gobolka Gedo, Buusaar ayaa qiyaastii 40 Km dhanka Bari uga beegan magaalada Ceelwaaq waana deegaan istiraatiiji ah oo isku xira inta badan magaalooyinka gobolka Gedo iyo sidoo kale  gobollada Jubboyinka.

Ciidamada Gummeysiga Kenya ayaa deegaankan qabsaday  sanaddii 2012 xilligaas oo duullaanka Kenya ee Soomaaliya uu ahaa mid carcar qabay balse weeraro isdaba joog ah oo xoogaga Al Shabaab ay ku beegsanayeen ciidanka Kenya ayaa sababay in ugu dambeyn ay isaga firxadeen deegaanka.

Labadii Bishaan Maarso ayay aheyd markii ay sidaan oo kale ciidamada Kenya uga baxeen deegaanka Faafaxdhuun oo 80 Km ujira magaalada Baardheere waxaana kasii horreeyay deegaanka Tarako oo ay isaga firxadeen, dhammaan deegaanadaas waxaa dib ula wareegay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items