Qarax gaari looga gubay ciidamada Uganda oo ka dhacay Sh/Hoose iyo Weerar ka dhacay Diif.

Tuesday March 19, 2019 - 20:37:30 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax gaari looga gubay ciidamada Uganda oo ka dhacay Sh/Hoose iyo Weerar ka dhacay Diif.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolkaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax khasaara dhaliyay lala beegsaday kolonyo katirsan ciidamada AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolkaas.

Qarax maanta gelinkii dambe ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Danoow iyo Golweyn ayaa lagu gubay gaari nuuca Taawga loo yaqaan ah oo ay wateen ciidamada Uganda.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay sheedda ka arkayeen gaariga qaraxu qabsaday oo gubanaya waxaana jira khasaara dhimasho iyo dhaawac ah oo gaaray ciidamadii la socday.

Dhinaca kale xoogaga Al Shabaab ayaa weerar xooggan ku qaaday deegaanka Diif ee dhaca xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbada Hoose.


Ugu yaraan hal askari oo katirsan ciidamada maamulka 'Jubbaland' ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay weerarka, ciidamada Al Shabaab ayaa muddo saacada ah gacanta ku hayay deegaanka Diif waloow markii dambe ay dib ugasoo gurteen.


Liibaan Jeexow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items