Dowladda Mareykanka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Duqeyntii Shacabka lagu dilay Ee Sh/Hoose.

Wednesday March 20, 2019 - 07:44:07 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Duqeyntii Shacabka lagu dilay Ee Sh/Hoose.

    Sidii caadada u aheydba dowladda Mareykanka ayaa markale sheegatay duqeyn ay dad shacab ah ku dishay oo ka dhacday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore dad lagu xasuuqay tuulada Axmed Yare August 17, 2017
Sidii caadada u aheydba dowladda Mareykanka ayaa markale sheegatay duqeyn ay dad shacab ah ku dishay oo ka dhacday deegaan katirsan gobolka Sh/Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ee marka magacooda lasoo gaabiyo loo yaqaan AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyn ka dhacday Sh/Hoose lagu dilay 3 katirsan dagaalyahannada Al Shabaab sida hadalka loo dhigay.

Balse sheegashada Mareykanka ee beenta ah waxaa ganafka ku dhuftay wakaaladaha wararka reergalbeedka oo xaqiijiyay in duqeyntii dhacday 18,March 2019 lagu dilay sedax qof oo katirsanaa shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta Hormuud xilli ay ku safrayeen meel ku dhow deegaanka Laabta Buuro.


Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa ehellada dadkii ladilay iyo goob joogayaal ayaa sheegtay in dadka ladilay dhammaantood ay yihiin shacab balse taliska Africom oo wakaaladdu laxiriirtay ayaa ku gaabsaday "waan baaraynaa doodaha sheegaya in shacab wax ku noqdeen duqeymaha".


Sawirro lagasoo qaaday goobta duqeyntu ka dhacday ayaa muujinayay khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaaray duqeynta, hal qof oo ahaa darawalkii gaariga la duqeeyay ayaa badbaaday balse wuxuu qabaa dhaawac culus.

Dowladda Mareykanka ayaa duqeymo joogta ah oo ay ka geysatay gobollada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya waxay ku gummaaday dad shacab ah marwalbana waxay ku doodaa in ay dishay ciidamo katirsan Al Shabaab.

Hoos Ka Daawo Sawirrada qofka shacabka ah ee ka badbaaday duqeynta Mareykanka










Related Items