Madaxweynihii Kazakhstan oo 29 sanadood Kadib iscasilaad ku dhawaaqay.

Wednesday March 20, 2019 - 10:18:06 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynihii Kazakhstan oo 29 sanadood Kadib iscasilaad ku dhawaaqay.

    wuxuu ahaa go'aan mar la arag ah oo uu qaatay madaxweynaha kaligiis taliyaha ah ee wadanka Kazakhstan ee dhaca qaaradda Asia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

madaxweynaha iscasilay ayaa dabadhilif u ahaa Ruushka
wuxuu ahaa go'aan mar la arag ah oo uu qaatay madaxweynaha kaligiis taliyaha ah ee wadanka Kazakhstan ee dhaca qaaradda Asia.


Nur Sultan Nazarbayev ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii madaxweynaha Kazakhstan kadib 29 sanadood oo uu xilkaasi hayay, isagoo ka hadlayay Telefeshinka ku hadla afka dowladda ayuu sheegay in uu si KMG ah uu talada wadanka ugu wareejinayo guddoomiyaha golaha aqalka sare.

Madaxweynahan iscasilay ayaa waligiis hayay talada wadanka tan iyo markii uu burburay Midowgii suufiyeeti ee hadda kusoo koobmay dowladda Ruushka.


Nur Sultan Nazarbayev oo 78 sana jir ah ayaa xilka isku magacaabay sanaddii 1990-kii wuxuuna ku taami jiray in uu sii ahaado madaxweyne inta uu ka dhimanayo  "waxaan go'aankan uqaatay in aan fursad siiyo siyaasiyiinta dhalinyarada ah ee wadanka wax kusoo kordhin kara" ayuu yiri madaxweynaha iscasilay ee Kazakhstan.

Wadankan oo hodon ku ah shidaalka iyo Gaaska dabiiciga ah waxaa wali dusha sare ka gummeysata dowladda Ruushka, badanaa madaxda iyo saraakiisha ciidamada ayaa usafra magaalada Moscow halkaas oo ay kulama kula qaataan Vladimir Putin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items