Daawo Sawirrada: Saldhiggii ay ka baxeen Ciidamada Kenya Ee Deegaanka Buusaar.

Wednesday March 20, 2019 - 14:00:32 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Daawo Sawirrada: Saldhiggii ay ka baxeen Ciidamada Kenya Ee Deegaanka Buusaar.

    Ciidamada Kenya ayaa maalintii shalay isaga baxay gabi ahaanba degaanka Buusaar ee gobolka Gedo halkaasoo ay si toos ah ula wareegeegtay Xarakada Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Kenya ayaa maalintii shalay isaga baxay gabi ahaanba degaanka Buusaar ee gobolka Gedo halkaasoo ay si toos ah ula wareegeegtay Xarakada Al-Shabaab.

Kadib markii la hubiyay ammaanka xerada ayaa waxaa loo fasaxay dad weynaha reer Buusaar si ay uga qaataan agabyada ay Kenyaatigu ka tageen.

Sida laga dheehan karayo sawirrada ciidamada Kenya ayaa difaacyo waaweyn ka dhistay saldhig ka baxsan deegaanka  waxayna difaacyada qaarkood ay ku yaallaan dhulka hoostiisa,sidoo kale waxaa sawirrada ka muuqanaya gaadiid gaashaaman iyo kuwa kale oo laga gubay.

Buusaar ayaa ah meeshii ugu dambeysay oo gobolka Gedo ah oo ay isaga huleelaan askarta Uhuru Kenyaatta tan oo ka dhigan in ciidamada Itoobiya ay kusoo hareen gobolka lama oga in ciidamada Kenya ay degi doonaan degmada Ceelwaaq iyo in ay kasii gudbi doonaan.



Qoysas badan oo horey uga barakacay Buusaar ayaa billaabay in ay dib ugusoo laabtaan. 02-03-2019, ayay ahayd markii ciidamo kale oo Kenyaan ah ay isaga bexeen degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo.

Hoos Ka Daawo sawirrada saldhiggii ciidanka Kenya ee Buusaar



















Related Items