Shaqaalaha Ajaanibta Caddaanka ah oo bilaabay in ay isaga guuraan Xerada Xalane.

Thursday March 21, 2019 - 08:37:54 in Wararka by
  • (Rating 3.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shaqaalaha Ajaanibta Caddaanka ah oo bilaabay in ay isaga guuraan Xerada Xalane.

    Saraakiisha iyo shaqaalaha Ajaanjbta ah ee ku sugnaa Xerada Xalane ayaa bilaabay in ay isaga cararaan magaalada Muqdisho kadib markii ay cabsi xooggan ka muujiyeen weeraradii ciidamada Al Shabaab ee deegaanno kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha iyo shaqaalaha Ajaanjbta ah ee ku sugnaa Xerada Xalane ayaa bilaabay in ay isaga cararaan magaalada Muqdisho kadib markii ay cabsi xooggan ka muujiyeen weeraradii ciidamada Al Shabaab ee deegaanno kaabiga ku haya magaalada caasimadda ah.


Ilo wareedyo ay heshay Warbaahinta Islaamiga ah ayaa sheegaya in  labadii maalin ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho laga daadgureeyay Saraakiisha iyo Shaqaallaha Q.Midoobay iyo kuwa Ururka  midowga Yurub, kuwaasi oo xaafiisyo ku lahaa gudaha xerad Xalane . .

Wararka ayaa sheegaya in diyaarado gaar ah ay ka qaadeen garoonka Muqdisho saraakiishan iyo Shaqaallaha Ajaanibta ee katirsan waxa loogu yeero beesha Caalamka.


Cabsida soo wajahday saraakiisha shisheeye ee isaga baxay Xerada Xalane ayaa timid kadib markii ay xoogaga Al Shabaab soo kulaaleen magaalada Muqdisho islamarkaana ay weeraro ku qabsadeen degmada Balcad ee Shabeellaha dhexe iyo deegaanka Dhanaane oo qiyaastii 35 Km ujira degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir.

Bishii Koowaad ee sanaddan 2019 ayay Al Shabaab weerar madaafiic ah oo khasaara dhaliyay ku qaadeen Xerada Xalane oo ay ku yaallaan safaaradaha dowladaha shisheeye iyo taliska ciidamada AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items