Ciidamadii Kenya ee Buusaar Ka Baxay oo lagu Weeraray Duleedka Degmada Ceelwaaq.

Thursday March 21, 2019 - 09:31:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamadii Kenya ee Buusaar Ka Baxay oo lagu Weeraray Duleedka Degmada Ceelwaaq.

    Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya silsilado qaraxya ah oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka isku magacaabay Jubbaland lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ayaa kasoo baxaya silsilado qaraxya ah oo ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka isku magacaabay Jubbaland lagula beegsaday deegaan katirsan gobolka Gedo.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Ceelwaaq ayaa sheegaya in kolonyadii ciidamada huwanta ahaa ee maalin ka hor isaga baxay deegaanka Buusaar ay lakulmeen qaraxyo khasaara badan dhaliyay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay lakulmeen illaa 2 qarax waxaana uga dhaawacmay ugu yaraan 4 askari halka maleeshiyaadka Soomaalida ee la socday ay nasiib uyeesheen khasaaraha ugu badan ee qaraxyada.

Taliyihii ciidamada maamulka Jubbaland ee deegaanka Buusaar oo maagciisa lagusoo gaabiyay Garaar iyo 6 askari ayaa la xaqiijiyay in ay si xun ugu dhaawacmeen qaraxyadii shalay.


Laba diyaaradood oo uu leeyahay Melleteriga Kenya ayaa ku degay goobta qaraxyadu ka dhaceen iyagoo dhaawacyada ciidamada huwanta ah geeyay degmada Ceelwaaq.

Ciidamada Kenya iyo maleeshiyaadka dowladda ee isaga baxay deegaanka Buusaar ayaa xalay ku hoyday meel 20Km ujirta degmada Ceelwaaq wali habqankooda ayaa wadada sii tuban.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items