Trump Oo Dhulka Buuralayda Al Jowlaan Usharciyeeyay Yahuudda.

Friday March 22, 2019 - 11:20:36 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trump Oo Dhulka Buuralayda Al Jowlaan Usharciyeeyay Yahuudda.

    Dowladda Mareykanka ayaa markale qaadday tallaab ay ku xoojinayso maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku heysta dhulalka muslimiinta Filasdiin ee mandiqadda Shaam.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa markale qaadday tallaab ay ku xoojinayso maamulka Yahuudda sahyuuniyadda ee xoogga ku heysta dhulalka muslimiinta Filasdiin ee mandiqadda Shaam.


Donald Trump oo ah madaxweynaha cunsuriga dowladda Mareykanka ayaa xalay ku dhawaaqay in maamulkiisu qorshaynayo in dhulka buuralayda Al Jowlaan uu u aqoonsado in uu yahay dhul ay yahuuddu leedahay.

Farriimo dhowr ah oo uu ku qoray bartiisa Twitterka ayuu ku sheegay in lagaaray waqtigii buuralayda Al Jowlaan loo aqoonsan lahaa mandiqad ay xaq uleedahay Yahuudda sida uu hadalka u dhigay.

Buuralayda Al Jowllaan ayay qeyb kamid ah qabsadeen ciidamada Yahuudda sahyuuniyadda sanaddii 1967 halka dacalka kale ee dhulka buuralayda ah ay heystaan ciidamada Nidaamka Bishaar Al-asad ee Suuriya balse qeybaha ugu muhiimsan dhulka Al Jowlaan wuxuu ku jiraan gacanta ixtilaalka Yahuudda.




tan iyo todobaatameeyadii dhulkaas ay isku hayaan nidaamka Suuriya iyo Yahuudda waxaa ku sugnaa ciidamo ka socda waxa loogu yeero Q.Midoobe.


Sanaddii 2017 ayuu Donald Trump magaalada Qudus u aqoonsaday caasimadda Yahuudda isagoona sanaddii  2018 safaaradda Mareykanka usoo raray magaalada Qudus taas oo muujinaysa sida dowladda Mareykanka ay utaban taabinayso Yahuudda xoogga ku heysata dhulalka muslimiinta Filasdiin

Related Items