Indha Qarshe Oo Damiirlaawayaal ku tilmaamay Ciidamada DF Ee Gadoodka sameeyay.

Saturday March 23, 2019 - 19:22:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Indha Qarshe Oo Damiirlaawayaal ku tilmaamay Ciidamada DF Ee Gadoodka sameeyay.

    Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa wali gadood ka wada deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe kadib markii ay waayeen lacagihii ay mushaar ahaanta uqaadan jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka ayaa wali gadood ka wada deegaanno katirsan gobolka Sh/dhexe kadib markii ay waayeen lacagihii ay mushaar ahaanta uqaadan jireen.

Xerada Hiilweyn iyo degmada Balcad waxaa ku sugan kumanaan askari oo soo baneeyay furimaha dagaalka, mas'uuliyiinta ugu sarraysa wasaaradda G/dhigga ayaa si jees jees leh ula hadlay maleeshiyaadka gadoodka sameeyay.

Jeneraal Indho Qarshe oo ah taliyaha ciidamada DF-ka ayaa maleeshiyaadka gadoodsan ku jees jeesay wuxuuna ku tilmaamay kuwa aan damiir laheyn oo qas wadayaal ah.

"Mustaqbalka ciidanka ayaan u soconaa, dowladda waxay u socotaa mustaqbalka ciidanka, aad ayaana ugu amaanayaa go’aanka ay qaadatay dowladda, waxaan ogahay inta mudaaharaadeyso inay lumi doonaan, waxaana hubaa kan aan damiirka laheyn,qabiilku dilooday, tuuganimada dilootay, waxaan hubaa inuu ka baxayo ciidanka”.


Wuxuu ku eedeeyay maleeshiyaadka kasoo gadooday deegaannadii ay ku sugnaayeen in ay kasoo urayso siyaasad qabiilka sida uu hadalka u dhigay.

Taliye Indho Qarshe iyo Kheyre ayaa labaduba sheegay in ay dhisayaan ciidan tirayar leh oo qaata mushaar joogta ah balse aysan doonayn ciidamo tira badan oo mushaar la'aanta aan u adkeysan karin.

Da badan ayaa rumeysan in madaxda dowladda Federaalka ay lunsadeen lacagihii loogu talagalay in lagu maalgeliyo ciidamada balse ay marmarsiimo ka dhiganayaan tayaynta ciidamada.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items