Taliyaha Ciidanka Al Jazaa'ir Oo Ku Baaqay in uu casilo Botafaliiqa.

Tuesday March 26, 2019 - 20:07:43 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka Al Jazaa'ir Oo Ku Baaqay in uu casilo Botafaliiqa.

    Kacdoonka shacbiga ah ee ka socda wadanka Al Jazaa'ir ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa dhaliyay is qabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda ugu sarraysa maamulka wadankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kacdoonka shacbiga ah ee ka socda wadanka Al Jazaa'ir ee dhaca waqooyiga qaaradda Afrika ayaa dhaliyay is qabqabsi siyaasadeed oo u dhaxeeya madaxda ugu sarraysa maamulka wadankaasi.


Jeneraal Axmed Qaayad Saalix oo ah taliyaha guud ee ciidanka iyo wasiir ku xigeenka difaaca ayaa ku baaqay in uu iscasilo Cabdi Caziiz Botafaliiqa oo ah madaxweynaha xanuunsan ee Al Jazaa'ir.

Taliyaha ciidanka ayaa dalbaday in la dhaqan geliyo maadada 102 ee dastuurka wadanka taas oo dhigaysa in madaxweyne cusub la magacaabo haddii uu xanuun daran kusoo boodo madaxweynaha talada haya.

Jeneraal Axmed Qaayad Saalix ayaa ku hanjabay in uu lafulin doono dalabaadka shacabka ee ah in isbedel dhanka maamulka ah wadanka ka hana qaado balse wuxuu ka digay wax uu ugu yeeray qaswadayaal dana gaar ah wata oo ku dhax dhuumanaya shacabka kacdoonka wada.


Inkastoo C/Caziiz Botafaliiqa oo ah madaxweynaha xanuunka ee Al Jazaa'ir uu sheegay in uusan markii 5-aad ka qeyb geli doonin doorashooyinka soo socda hadane wuxuu doonayaa in uu talada sii hayo muddo aan xididnayn arrinkaas oo ka caraysiiyay shacabka kacdoonsan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items