Dhageyso: Amiirka Xisbiga Turkistaan Oo Jeediyay Kalimad Saameyn leh oo uu uga hadlayo Muslimiinta Shiinuhu gummeysto.

Tuesday March 26, 2019 - 20:16:42 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Amiirka Xisbiga Turkistaan Oo Jeediyay Kalimad Saameyn leh oo uu uga hadlayo Muslimiinta Shiinuhu gummeysto.

    Sheekh Cabdul Xaq Al Turkistaani oo ah Amiirka Xisbiga Islaamiga Turkistaanta Bari ayaa Jeediyay kalimad saameyn leh oo ku socota culimada islaamka iyo dhammaan muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Cabdul Xaq Al Turkistaani oo ah Amiirka Xisbiga Islaamiga Turkistaanta Bari ayaa Jeediyay kalimad saameyn leh oo ku socota culimada islaamka iyo dhammaan muslimiinta.

Kalimaddan ayuu sheekhu uga hadlayaa gabood fallada iyo isir sifeynta ay dowladda shuuciyadda Shiinaha ka wado dhulka Turkistaanta Bari ee gummeysiga kujira.

Sheekha ayaa ku xeel dheeraaday ka hadalka muslimiinta lahilmaamay ee Turkistaanka bari wuxuuna culimada islaamka iyo umadda muslimka ugu baaqay in aysan hilmaamin qadiyadda muslimiinta Turkistaan.

Muslimiinta ku dhaqanka gobolkan ayaa wajahaya dhibaata dhan walba ah oo uga imaanaysa dowladda Shiinaha, Xero xabsiyo laga sameeyay ayey ciidamada booliska Shiinaha ka hirgeliyeen gobolka Turkistaan halkaas oo lagu kufsanayo dumarka laguna gummaadayo ragga.


Dowladda shuuciyadda shiinaha ayaa muslimiinta udiida in ay tukadaan salaadaha faradka ah ayna soomaan bisha Ramaddaan, sidoo kale ciidamada Shiinaha ayaa burburiyay boqolaal masjid oo muslimiintu ay ku cibaadeysanayeen.

Halkan ka dhageyso Kalimadda Sheekha oo Af Soomaali ku Tarjuman MP3

Related Items