Dhageyso:Kooxo Jawaasiis ah Oo Lagu Toogtay Degmada Baraawe Sh/Hoose.

Monday September 29, 2014 - 19:04:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Kooxo Jawaasiis ah Oo Lagu Toogtay Degmada Baraawe Sh/Hoose.

    Wilaayada Islaamiga shabeelaha Hoose ayaa xukunno daldalaad ah ku fulisay 4 ruux oo lagu helay falal jaasuusnimo ah oo ka dhan ah dadka muslimiinta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wilaayada Islaamiga shabeelaha Hoose ayaa xukunno daldalaad ah ku fulisay 4 ruux oo lagu helay falal jaasuusnimo ah oo ka dhan ah dadka muslimiinta.

Fagaara kuyaal magaalada Baraawe ayaa lagu toogtay 4 Ruux oo Jawaasiis ah,qaadiga maxkamadda islaamiga ah ee xukunka fulisay ayaa faah faahiyay dambiyada lagu helay Jawaasiista.

    Magacyada Jawaastiista ladilay iyo Dambiyada lagu Helay

1-Mahad Xasan Ciise oo da’diisu aheyd 26 sano jir wuxuu ku eedaysnaa in uu la shaqeynayay a hay’adda CRD iyo Nabad sugidda Dowladda Xasan Sheekh.

2-Xasan Xaaji Aawow oo da’diisu aheyd 27 sana jir ayaa lagu helay in uu katirsanaa maleeshiyaadka Alpha Group ee ashahaadda ladirirka ah kuwaasi oo shaqadoodu tahay in dowladaha shisheeye ugacan geliyaan dadka muslimiinta.



3-Iidle Max’med Xasan oo 18 sana jir ahaa ayaa isna lagu helay in uu wada shaqeyn lalahaa PS-ta Dowladda Federaalka.
4-Axmed Max’med Aadam ayaa isna lagu helay in uu ahaa Jaasuus u shaqeynayay shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Sheekh Max’med Abuu Cabdalla waalliga Shabeelaha Hoose oo isna fagaaraha xukunku ka dhacayay kalimad ka jeediyay ayaa digniin hor leh udiray Jawaasiista khuwanada ah ee muslimiinta kusoo hoggaaminaya cadawga.

Halkan ka dhageyso Qaadiga Maxkamadda Xukunka Ridday MP3

Related Items