Ciidamada Kenya oo burburiyay xarunta Shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys.

Wednesday March 27, 2019 - 19:10:25 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya oo burburiyay xarunta Shirkadda Hormuud ee deegaanka Jaldeys.

    Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegyaa in ciidamada Kenya ay xalay burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegyaa in ciidamada Kenya ay xalay burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud Telecom ee Tuulada Jaldeys oo ka tirsan Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.


 
Ma jiro waxa khasaare nafeed ah oo ka dhashay burburintan oo loo adeegsaday miinooyin, waxaase burburay dhismihii shirkadda & dhammaan agabkii isgaarsiineed ee ay ku shaqeyneysay xaruntu oo ka koobnaa Dhismo, ​BTS, Links, Motors iyo agabkii kale ee site-ka yiilay. Waxaa sidoo kale waxyeelo xoogan soo gaartay Taawarrada labada ah ee halkaa kadhisnaa iyo Taawarrada Shirkado kale.

Waxaana hadda hawada ka maqan isgaarsiintii Dhoobley, Jaldeys, Diif iyo 7 Site oo ka tirsan magaalada Dhoobley & Tuulooyinka hoos yimaada.


Ciidanka Kenya waxay Sal dhigga ugu weyn Gobollada Jubbooyinka ku leeyihiin Tuulada Taabta oo ka tirsan isla Degmada Afmadow, una dhow Xarunta la gubey ee shirkadda Hormuud.

Arbacadii lasoo dhaaafay oo ku beegan March 20, 2019 ayaa ciidanka kenya oo isticmaalaya Helicopters Gunship waxay duqeeyeen xarunta Shirkadda Hormuud ee Xiiso-Uguur oo ka tirsan Degmada Ceel waaq ee Gobolka Gedo, taasoo ka dhigan in muddoo usbuuc ah ay ciidan ka kenya ay fuliyeen duqeyntii 2aad.

Ciidanka Kenya ayaa horay u burburiyey xarumo ay leedahay shirkadda hormuud oo kala ah: CaliBuley, Diif, Khadiijo Xaaji, Ceelbaande, Dhuyacgaroon, Geriley & Dhamase oo kawada tirsan Gobollada Jubbada Hoose & Gedo.

Related Items