Al Shabaab Oo Xeebta Marka ku weerartay Doon ay la socdeen ciidamada Dowladda.

Saturday March 30, 2019 - 17:11:22 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Xeebta Marka ku weerartay Doon ay la socdeen ciidamada Dowladda.

    Weerar badgal ah ayay ciidamada Al Shabaab maanta udhigeen doon saad usidday maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ee ku go'doonsan magaalada Marka ee Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar badgal ah ayay ciidamada Al Shabaab maanta udhigeen doon saad usidday maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ee ku go'doonsan magaalada Marka ee Sh/Hoose.



Ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogag aad u hubeysan oo katirsan Al Shabaab ay gudaha Badda kula dagaallameen maleeshiyaadka dowladda oo saarnaa doon ka timid dhanka magaalada Muqdisho.

lama oga khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii ugu horreeyay ee xoogaga Al Shabaab ay ka fuliyaan gudaha badda tan iyo sanaddan 2019.

Dhinaca kale Xoogagga Shabaabul Mujaahidiin ayaa markale weerar ku miray saldhigyo ay ciidamada shisheeyaha AMISOM ku leeyihiin deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolka Sh/Hoose.



Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ayaa sheegaya in dagaallo culus ay xalay halkaas ku dhaxmareen ciidamada shisheeyaha Uganda iyo xoogaga Shabaabul Mujaahidiin.

Dagaalka oo muddo saacada ah socday ayaa laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan sidoo kale Al Shabaab ayaa weerar ku qaadday saldhigga AMISOM ee deegaanka Shalaambood oo ku dhow magaalada Marka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items