Madaxweyne Ku xigeenka Afghanistan oo si dirqi ah uga badbaaday Weerar dil ah.

Sunday March 31, 2019 - 09:07:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku xigeenka Afghanistan oo si dirqi ah uga badbaaday Weerar dil ah.

    Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar isku day dil ah uu ka badbaaday mas'uulka labaad ee ugu sarreeya xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Afghanistan ayaa sheegaya in weerar isku day dil ah uu ka badbaaday mas'uulka labaad ee ugu sarreeya xukuumadda dabadhilifka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Kaabuul.


Cabdi Rashiid Dustom oo ah madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Afghanistan ayaa si dirqi ah uga baxsaday weerar dhabaggal ah oo xoogag katirsan Xarakada Talibaan ay u dhigeen xilli uu ku socdaalayay wadada xiriirisa gobollada Balakh iyo Gozjan.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliban ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay 4 kamida ilaalada gaarka ah ee madaxweyne ku xigeenka Afghanistan islamarkaana lagubay gaari qeyb ka ahaa kolonyadii gelbinaysay mas'uulka la weeraray.


Cabdi Rashiid Dustom ayaa kamid ahaa dagaal oogayaashii wadanka Afghanistan ku hoggaamiyay ciidamada shisheeye sanaddii 2001 waana Nin taariikh madoow leh.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items