Kala Bar Hoggaamiyaasha Carabta Oo ka maqan Shirka Ururka Jaamacadda Ee Ka Furmay Wadanka Tuunis.

Sunday March 31, 2019 - 09:17:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kala Bar Hoggaamiyaasha Carabta Oo ka maqan Shirka Ururka Jaamacadda Ee Ka Furmay Wadanka Tuunis.

    Wadanka Tuunis waxaa maanta ka furmay shirkii 30-aad ee hoggaamiyaasha Ururka isku magacaabay Jaamacadda Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadanka Tuunis waxaa maanta ka furmay shirkii 30-aad ee hoggaamiyaasha Ururka isku magacaabay Jaamacadda Carabta.


Shirka waxaa ka qeyb gelaya kala bar hoggaamiyaasha dowladaha ku bahoobay Ururkan halka tobanaan kale ay ka baaqdeen waxaana umetalaya wakiillo isugu jiro ku xigeenadooda iyo wasiirrada arrimaha dibadda.

Hoggaamiyaasha ugu caansan ee shirka ka maqan waxaa kamid ah Cabdi Fataax Alsiisi madaxweynaha masar iyo Cumar Xasan Albashiir oo ah madaxweynaha dalka Suudaan, sidoo kale dowladaha Ajazaa'ir iyo Imaaraatka Carabta ayaa iyana madasha shirka udiray wakiillo heerkoodu aad uhooseeyo.


Madaxda ka socota dowalaha Carabta ee shirka xaadiray waxaa kamid ah Boqorka dalka Sacuudiga, Amiirka Qadar iyo madaxweynaha dalka Tuunis ee martida loo yahay.

Ajandayaasha shirkan looga hadlayo waxaa kamid ah qadiyadda Filasdiin ee dowladaha Carabta ay kal hore iibsadeen iyo arrimaha wadanka Liibiya, shirkii ay jimcihii yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda dalalka Carabta ayay ku dhaleeceeyeen go'aammadii Donald Trump uu ka qaatay Buuralayda Al Jowlaani.

Shucuubta Carabta wax yididiilla ah kama lahan shirka ay Hoggaamiyaasha Ururka Jaamacadda Carabta ku yeelanayaan dalka Tuunis waxayna u arkaan Urur ka shaqeeya kala geynta umadda oo aan marnaba laga sugeyn in uu cadowga ka xureeyo dhulalka muslimiinta ee uu qabsaday.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items