Dab Khasaara Hantiyadeed geystay oo ka kacay degmada Guriceel.

Sunday March 31, 2019 - 09:47:32 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dab Khasaara Hantiyadeed geystay oo ka kacay degmada Guriceel.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud aya sheegaya in dab khasaara xooggan geystay uu saaka ka kacay degmada Guriceel.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud aya sheegaya in dab khasaara xooggan geystay uu saaka ka kacay degmada Guriceel.


Dabka oo muddo saacada ah socday ayey adkaatay in ladamiyay taas oo keentay in uu ku faafo dhismayaal ganacsi, dadka deegaanka ayaa sheegay in dabku uu kakacay kaalin shidaal balse uu saameeyay dhismayaal ka fog goobta uu ka billaawday.

Meelaha uu dabku ku fiday waxaa kamid ah dhismayaasha shirkadda ganacsiga Bader iyo mid kamida shirkadaha isgaarsiinta ee ugu caansan dalka, qaraxyo ay sameynayaan fuustooyinka shidaalka ee dhaxyaal kaalinka shidaal  ee gubtay ayaa saaka laga maqlayay gudaha degmada Guriceel.


Adeegga dab damiska oo aan ka jirin magaalada Guriceel ayaa sababay in dabku uu muddo saacada ah socdo arrinkaas oo sare uqaaday khasaaraha maaliyadeed ee dabka ka dhashay.






Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items