Dowladda Federaalka Oo Xaqiijisay in Mas'uul katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu taageeray Maamulka Yahuudda.

Monday April 01, 2019 - 09:52:19 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Oo Xaqiijisay in Mas'uul katirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu taageeray Maamulka Yahuudda.

    Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horraysay xaqiijisay in mid kamida mas'uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadad uu taageero umuujiyay maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Filasdiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Federaalka ayaa markii ugu horraysay xaqiijisay in mid kamida mas'uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadad uu taageero umuujiyay maamulka Yahuudda ee xoogga ku heysta dhulalka Filasdiin.


Qoraal kasoo baxay madaxtooyada Farmaajo ayaa lagu sheegay in shaqada laga Eryay Agaasimihii wasaaradda arrimaha dibadda Ninka lagu magacaabo C/llaahi Axmed Dool kaas oo ku baaqay in lataageero maamulka Yahuudda.

C/llaahi Axmed Dool ayaa farriimo uu baahiyay bartiisa Twitterka wuxuu ku muujiyay sida uu u taageersanyahay maamulka Yahuudda iyo go'aamadii Donald Trump ee Yahuudda u sharciyaynayay dhulka Buuraleyda Al Jowlaan ee kala qeybiya  Filasdiin iyo Suuriya.


Shir Bishii lasoo dhaafay ka dhacay wadanka Swezerland ayey wakiillada dowladda Federaalka ee Q.Midoobe taageera umuujiyeen maamulka Yahuudda kadib markii ay ka aamuseen in ay cambaareeyaan go'aamaddii Trump  uu Yahuudda kusiiyay dhulal muslimiinta Filasdiin ay leeyihiin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo caan ku aheyd dabadhilifnimada dowladaha shisheeye ee ciidamadoodu kusoo duuleen dalka ayaa hadda ku darsatay lasafashada Yahuudda.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items