Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Askar lagu dilay degmada Afgooye.

Monday April 01, 2019 - 10:01:14 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Askar lagu dilay degmada Afgooye.

    Weerar khasaara badan dhaliyay ayay xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ka fuliyeen degmada Afgooye oo ka dhacda duleedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar khasaara badan dhaliyay ayay xoogag katirsan Xarakada Al Shabaab ka fuliyeen degmada Afgooye oo ka dhacda duleedka magaalada Muqdisho.


Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan Afar askari oo katirsan ciidamada Booliska lagu dhax toogtay gudaha degmada Afgooye, dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in rag hubeysan ay dileen askarta kadibna ay goobta si nabad gelya ah uga dhaqaaqeen.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas'uuliyadda weerarkan Afarta askari lagu dilay ee ka dhacay degmada Afgooye.

illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin maamulka gobolka Sh/Hoose ugu magacaaban dowladda Federaalka, mana ahan markii ugu horraysay oo askar katirsan dowladda lagu dilo degmada Afgooye.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items