Madaxweynaha Al Jazaa'ir Oo la sheegay in uu dhowaan iscasilayo.

Tuesday April 02, 2019 - 10:40:50 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Al Jazaa'ir Oo la sheegay in uu dhowaan iscasilayo.

    Wararka ka imaanaya wadanka Aljazaa'ir ayaa sheegaya in isbedello lagu sameeyay golaha xukuumadda wadankaas xilli lafilayo in isbedel dhanka maamulka ah uu dhaco.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Aljazaa'ir ayaa sheegaya in isbedello lagu sameeyay golaha xukuumadda wadankaas xilli lafilayo in isbedel dhanka maamulka ah uu dhaco.

Telefeshinka Maxalli ah oo soo xiganaya ilo wareedyo dhanka madaxtooyada Al Jazaa'ir ah ayaa sheegay in Cabdi Caziiz Botafaliiqa uu isbuuca soo socda iska casili doono xilka madaxtinimo ee uu hayay muddo 20 sanadood ah.

Botafaliiqa oo xilka madaxtinimada qabtay sanaddii 1999 ayuu waqtigiisu ku egyahay 28 bishaan Apriil waxaana guul darreystay isku dayo uu ku doonayay in markii 5aad uu ku noqdo madaxweynaha wadanka.

Kacdoonka shacbi ee ka billaawday wadanka Aljazaa'ir ayaa caqabad ku noqday qoyska talada haya waxaana guul qarka usaaran kacdoonka shacbiga oo ku guuleystay in uu kala qeybsanaan ka dhax rido taliska ciidanka melleteriga iyo madaxtooyada wadanka.



Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items