Shacabka Wadanka Al Jazaa'ir Oo udabaal degaya iscasilaadda Botafaliiqa.

Wednesday April 03, 2019 - 09:09:04 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Wadanka Al Jazaa'ir Oo udabaal degaya iscasilaadda Botafaliiqa.

    Shacabka kacdoonka ka wada wadanka Al Jazaa'ir ayaa ku guuleystay in ay ridaan hoggaamiyihii faasidka ahaa ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka kacdoonka ka wada wadanka Al Jazaa'ir ayaa ku guuleystay in ay ridaan hoggaamiyihii faasidka ahaa ee wadankaas gacanta birta ah ku maamulayay labaatankii sanadood ee lasoo dhaafay.


Afhayeenka Botafaliiqa ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka madaxtinimada isagoo fulinaya dalabka shacabka ee ah in uu xilka baneeyo, Jeneraal Axmed Qaayad Saalax oo ah taliyaha ciidanka Melleteriga iyo wasiir ku xigeenka difaaca ayaa sheegay in uu dhaqan galay dalabkii shacabka ee ahaa isbedel.

Malaayiin qof Aljazaa'iriyiin ah ayaa magaalooyinka waaweyn ka dhigaya dibad baxyo ay ku muujinayaan farxadooda ku aaddan iscasilaadda Cabdi Caziiz Botafaliiqa.


Telefeshinka Al Nahaar ee afka dowladda ku hadla ayaa si toos ah ubaahinaya dabaal degyada shacabka ee ku aaddan iscasiladada Botafaliiqa oo ku eedeysan in uu gacan bir ah wadanka ku maamulayay tan iyo sanaddii 1999-kii xiligaas oo uu talada wadanka qabtay.

Bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay ayay wadanka Al Jazaa'ir gilgileen dibad baxyo shacbi oo lagu diidanaa in markii 5-aad uu doorashooyinka madaxtinimo ka qeyb galo Botafaliiqa oo ah 82 sana jir ka sheeganaya xanuun dhanka maskaxda ah.

Taliyaha ciidamada Melleteriga ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo saarayay baaqyo in ladhaqan geliyo qodobka 102 ee dastuurka Al Jazaa'ir oo dhigaya in madaxweynaha lacasilo haddii xaaladdiisa caafimaad ay xumaato.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items