Dowladda Brunei Oo Sheegtay in ay Bilaabayso Tadbiiqinta Shareecada Islaamka iyo Reergalbeedka Oo Dhaleeceeyay [Warbixin].

Wednesday April 03, 2019 - 10:53:10 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Brunei Oo Sheegtay in ay Bilaabayso Tadbiiqinta Shareecada Islaamka iyo Reergalbeedka Oo Dhaleeceeyay [Warbixin].

    Hoggaamiyaha dowladda Brunei ayaa sheegay in uusan dhegna jalaq usiin doonin baaqyada uga imaanaya dowladaha reergalbeedka ee ka dalbanaya in uu joojiyo Tadbiiqinta shareecada islaamka oo maalinta berri ah ka bilaabanaysa dhammaan gobollada wadankaas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Brunei ayaa sheegay in uusan dhegna jalaq usiin doonin baaqyada uga imaanaya dowladaha reergalbeedka ee ka dalbanaya in uu joojiyo Tadbiiqinta shareecada islaamka oo maalinta berri ah ka bilaabanaysa dhammaan gobollada wadankaasi.


Suldaan Xasan Albalqiiha oo ah hoggaamiyaha Brunei ayaa ugu baaqay shacabka muslimiinta wadankiisa ku dhaqan in ay bartaan diinta islaamka ayna u hoggaansamaan xukunnada kasoo baxaya maxaakimta islaamiga wadankaasi.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa ugu baaqday dowladda Brunei in ay joojiso tadbiiqinta shareecada islaamka gaar ahaan xukunnada gacan goynta ah iyo in dhagax lagu dilo oo larajmiyo qofkii muslim ah ee zinaysta isagoo guur soo maray.


Dowladda Faransiiska ayaa tadbiiqinta shareecada islaamka ku sifeysay fal waxashnimo ah waana wax ay ka wada simanyihiin dhammaan dowladaha gaalada oo isku xukunka shareecada islaamka uyaqaan fal argagaxiso.

Bishii lasoo dhaafay ayay dowladda Brunei afarta Bishan Abriil u astaysay in labilaabo fulinta xuduudda sida in ladilo kuwa falalka Liwaadka qowmu luudka ah sameeya,in gacanta laga gooyo qofkii wax xada iyo in dhagax lagu dilo qofkii muslim ah ee Zinaysta isagoo guur soomaray.

"Waxaan doonayaa in aan arko barashada diinta islaamka oo wadankaan sare ukacday dadkuna ay si heer sare ah ubartaan shareecadooda suuban" ayuu yiri suldaan Xasan.

Dhinaca kale waxa loogu yeero Q.Midoobay ayaa si kulul u dhaleecaysay go'aanka kasoo baxay dowladda Brunei ee ay ku doonayso in ay ku tadbiiqiso shareecada islaamka, war kasoo baxay madaxa hay'adda sheegata Xuquuqul insaanka UN-ka ayaa tallaabada ay qaadatay dowladda Brunei ku sifeeyay mid bahalnimo ah wuxuuna ugu baaqay ' Beesha caalamka' in ay cadaadis saaraan maamulayaasha wadankaas.

Brunei waa dal yar oo dhaca Koonfur bari qaaradda Asia waa dal hodon ku ah Kheyraadka dabiiciga ah sida shidaalka iyo dahabka, muddo 51 sanadood ah waxaa dalka maamulaya Suldaan Xasan Albalqiiha.

Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in xukunnada islaamiga ah ee uu soo rogay Suldaan Xasan  uu isaga owdayo hirar mucaarad ah oo kusoo furmay balse lama oga in uu ka dhabayn doono go'aanka uu qaatay iyo inkale waxaana xusid mudan in dowladani ay xubin ka tahay waxa loogu yeero Q.Midoobay iyo Ururo goboleedyo heer caalami ah oo kuyaal qaaradda Aasiya.

Haddii  dowladda Brunei ay ka dhabayso balanqaadkeeda ah in ay tadbiiqinayso shareecada islaamka ayay duullaan ku qaadi doonaan dowladaha reergalbeedka iyo kuwa qaaradda Asia waxayna ku dari doonaan liiska waxa loogu yeero Argagaxisada si lamid ah jamaacaadka Jihaadiga ah ee shareeca doonka ah kuwaas oo duullaano kala kulma dowladaha Kirishtaanka iyo kuwa dabadhilifyada ah ee kaba qaadka u ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items