Idaacadda Andalus Oo Xaruntii 10aad Ka Furatay degmada Tiyeegloow Ee Gobolka Bakool.

Wednesday April 03, 2019 - 12:28:58 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Idaacadda Andalus Oo Xaruntii 10aad Ka Furatay degmada Tiyeegloow Ee Gobolka Bakool.

    Kadib Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayna kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xarigga looga jaray farac cusub oo kamid ah warbaahinta Islaamiga An

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ka dhacday degmada Tiyeegloow ee gobolka Bakool ayna kasoo qeyb galeen mas'uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa xarigga looga jaray farac cusub oo kamid ah warbaahinta Islaamiga Andalus.



Degmada Tiyeegloow iyo deegaannada hoos yimaad ayaa laga bilaabo shalay si toos ah looga dhageysanayay wararka iyo Barnaamijyada Idaacadda Jihaadiga Andalus.

Khudbado laga jeediyay munaasabaddii lagu furayay faraca cusub ee Idaacadda Andalus ayaa lagu bogaadiyay dadaalka uu Maktabka Iclaamka Xarakada Al Shabaab sameeyay waana markii ugu horraysay oo gobolka Bakool laga hirgeliyo warbaahin islaami ah.

Waa xaruntii 10-aad oo Idaacadda Andalus ay yeelato  dhammaan wilaayaatka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kuyaal xarumaha Idaacadda Andalus marka laga reebo labada shabeelle iyo Jubbada Hoose.



Radio Andalus ayaa ah warbaahinta kaliya oo mar qura wararkeeda laga dhageysto dhowr gobol waana warbaahin kaalin weyn ku leh ku baraarujinta bulshada ee ka qeyb qaadashada halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items