Baarlamaanka Oo uyeeray Wasiirrada ugu muhiimsan Xukuumadda Kheyre si wax looga weydiiyo Ammaanka Muqdisho.

Thursday April 04, 2019 - 11:19:24 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Oo uyeeray Wasiirrada ugu muhiimsan Xukuumadda Kheyre si wax looga weydiiyo Ammaanka Muqdisho.

    Habacsanaanta dhanka amniga ah ee kajirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay in loo yeero saraakiisha ugu sarraysa laamaha ammaanka dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Habacsanaanta dhanka amniga ah ee kajirta magaalada Muqdisho ayaa sababtay in loo yeero saraakiisha ugu sarraysa laamaha ammaanka dowladda Federaalka.

War rasmi ah oo kasoo baxay guddoomiyaha baarlamaanka dowladda ayaa loogu yeeray wasiirrada ammaanka,Gaashaandhigga iyo taliyaasha ciidamada Booliska iyo Melleteriga.

Xildhibaannada Baarlamaanka dowladda Federaalka ayaa lafilayaa in maalinta sabtida ah ay su'aalo adag weydiiyaan wasiirrada iyo saraakiisha loo yeeray marka doodda baarlamaanka ay furanto.

Max'med Mursal oo ah guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qoraalka uu soo saaray ku ogeysiiyay Xasan Cali Kheyre in uu u yeeray wasiirro iyo saraakiil ciidan waxaana lafilayaa in doodda kadib ay xildhibaannadu u yeeraan madaxda ugu sarraysa dowladda.


Howlgallada Al Shabaab ee gudaha magaalada Muqdisho ayaa saameyn ballaaran reebay waxayna howlgalladaas khilaaf ka dhax rideen madaxda ugu sarraysa dowladda Federaalka sidoo kale waxay qalqal ku beereen dhammaan shaqaalaha dowladda oo ka baqdin qaba in ay lakulmaan qaraxyo iyo weeraro toos ah.


Related Items