Khaliifa Xiftar Oo Iclaamiyay Duullaan ay Maleeshiyaadkiisu ku qabsanayaan Caasimadda Liibiya.

Thursday April 04, 2019 - 12:32:37 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khaliifa Xiftar Oo Iclaamiyay Duullaan ay Maleeshiyaadkiisu ku qabsanayaan Caasimadda Liibiya.

    Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Liibiya oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xiisada colaadeed ayaa lagasoo sheegayaa inta badan magaalooyinka waaweyn ee wadanka Liibiya oo dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.


Dagaal Ooge Khaliifa Xiftar oo kamid ah dhinacyada isku haya siyaasadda wadankaas ayaa maleeshiyaadkiisa amar kusiiyay in ay billaabaan duullaan Melleteri oo ay ku qabsanayaan magaalada Daraabulis ee caasimadda u ah wadanka Liibiya.

Boqolaal gaadiidka gaashaaman iyo kuwa Tiknikada ah ayaa u dhaqaaqay dhanka magaalada Daraabulis halkaas oo laga cabsi qabo in ay dagaallo culus ka qarxaan.

Faayaz Sarraaj oo ah madaxa Xukuumadda KMG ah ee fadhigeedu yahay magaalada caasimadda ah ayaa ugu baaqay ciidamadiisa in ay udiyaar garoobaan dagaal ay lagalaan maleeshiyaadka Khaliifa Xaftar, arrintaan ayaa imaanaysa xilli Q.Midoobay ay qaban qaabinaysay wadahadal ay dhax dhigto dhinacyada Liibiya isku haya.

Related Items