Mid Kamida Saraakiisha Ciidanka Jabuuti Oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan.

Sunday June 15, 2014 - 10:40:42 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Kamida Saraakiisha Ciidanka Jabuuti Oo Lagu Dilay Gobolka Hiiraan.

    ilo wareedyo laga helay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ladilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Jabuuti ee xoogga ku jooga magaaladaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ilo wareedyo laga helay magaalada Buula Barde ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ladilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada Jabuuti ee xoogga ku jooga magaaladaasi.
Sarkaalka ladilay ayaa magaciisa lagusoo gaabiyay Carab wuxuuna kamid ahaa saraakiisha qaabilsan dhanka isku gudbibta Saadka ciidamada Jabuuti ee Hiiraan ku sugan.

Sarkaalka ladilay ayaa si xun ugu dhaawacmay qarax isbuucii lasoo dhaafay Buula Barde ka dhacay saraakiisha ciidanka Jabuuti wax war ah kamasoo saarin dilka G/lle Carab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay kajirto magaalada Buula Barde kadib markii ay ku adkaatay go’doominta ay shabaabul Mujaahidiin saartay.


Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]


Related Items