Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Markale ka dhacay xaafado Katirsan Muqdisho.

Saturday April 06, 2019 - 10:29:45 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qaraxyo Khasaara Dhaliyay Oo Markale ka dhacay xaafado Katirsan Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.

Xalay fiidkii ayuu qarax xooggan ka dhacay agagaarka Isgoyska Dabka ee wadada Makka Al Mukarrama oo ah goob ay ku badanyihiin askarta iyo askarta dowladda Federaalka.

Qaraxa ayaa ka dhax dhacay gaari nuuca raaxada ah oo uu watay Xildhibaan hore oo katirsanaa Baarlamaanka dowladda Federaalka, ugu yaraan hal qof oo kamid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayuu dhaawac soo gaaray waxaana badbaaday Cabdi Waaxid Cabdullaahi oo ah xildhibaan hore.

Dhinaca kale qarax xooggan ayaa saaka degmada Dayniile lagula beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka, ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxu uu sababay khasaara dhaawacyo ah oo soo gaaray ciidamadii gaariga saarnaa.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay dhammaan qaraxyadii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmooyinka gobolka Banaadir waxaana muuqata in qaraxyadu kusii xoogeysanayaan caasimadda xilli xukuumadda Kheyre ay sheegtay in ay adkeysay ammaanka islamarkaana waddooyinka ay dhagxaan ku goysay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items