Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay deegaan Kaabiga Ku Haya Xuduudda Kenya.

Saturday April 06, 2019 - 20:51:23 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo la wareegay deegaan Kaabiga Ku Haya Xuduudda Kenya.

    Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaannada kaabiga ku haya xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta deegaannada kaabiga ku haya xad beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya ee dhanka Jubbada Hoose.


 

Deegaanka ay la wareegeen xoogaga Al Shabaab oo lagu magacaabo Dag caday waxaa saldhig ku lahaa maleeshiyaadka maamulka isku magacaabay Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in iska hor'imaad kooban uu dhaxmaray maleeshiyaadka Axmed Madoobe iyo ciidamada Al Shabaab kadibna ay 'mujaahidiintu' si buuxda ula wareegeen deegaanka.

Saraakiil katirsan ciidamada Al Shabaab ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka waxayna ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan halganka lagula jiro ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya ka socda.



Xaaladda deegaanka Dag caday ee dagaalku ka dhacay ayaa deggan waxaana ku sugan xoogagga Al Shabaab waana deegaan hoos taga degmada Dhoobleey ee xuduud beenaadka kulaasha.

Maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ee deegaankaas ku sugnaa ayaa Indho u ahaa ciidamada gummeysiga Kenya oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo raaf ah ka waday deegaannada hoos yimaad Dhoobleey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items