Ururka IGAD Oo soo saaray Qorshe dhagar ah oo lagu Boobayo Kheyraadka dhax ceegaaga Badda Soomaaliya.

Sunday April 07, 2019 - 12:25:34 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ururka IGAD Oo soo saaray Qorshe dhagar ah oo lagu Boobayo Kheyraadka dhax ceegaaga Badda Soomaaliya.

    Kadib shir ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ay ku yeesheen Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ee loo aas-aasay boobka kheyraadka Soomaaliya ayay uga dhawaaqeen gola cusub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib shir ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya ay ku yeesheen Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ee loo aas-aasay boobka kheyraadka Soomaaliya ayay uga dhawaaqeen gola cusub.

Safiirrada dowladaha Ururka IGAD ayaa iclaamiyay in ay dhiseen wax ay ugu magac dareen "Golaha difaaca Biyaha Badda Cas iyo gacanka Caden"!.

Dhismaha golahan oo ay gadaal ka riixayaan dowladaha Itoobiya iyo Kenya ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay ayaa ah sidii loo boobi lahaa Kheyraadka dhax ceegaaga badaha Soomaaliya.

Shirka ka dhacay magaalada Nairobi waxaa markii ugu horraysay ku sugnaa mas'uuliyiin katirsan dowladda Ereteria sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada Badda dowladda Xabashida Itoobiya.


Xukuumadaha Asmara iyo Addis Ababa ayaa wada guluf ballaaran oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan badaha Soomaaliya iyagoo taageero maaliyadeed ka helaya dowladda isku tagga Imaaraatka Carabta.

Sanaddii 2018 ayuu Farmaajo u saxiixay dowladda Itoobiya in ay la wareegto illaa Afar dekadood oo kuyaal dalka Soomaaliya arrinkaas oo sare usii qaadaya damaca dhulboob ee Itoobiya ka leedahay mandiqadda geeska qaaradda Afrika.

Dowladda Itoobiya ayaa bilihii lasoo dhaafay wadday dhismaha ciidamadeedda badda waxaana ka taageeraya dowladaha Faransiiska iyo Mareykanka, dhismaha ciidamadda badda ayaa larumeysanyahay  in uu yahay istiraatiijiyad fog oo ay ku doonayso in ay ku qabsato xeebaha Soomaaliya si halkaas ay uga yagleelato dekado ay kalasoo degto badeecadaha gacansiga.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items