Dad Ku dhintay Dibad baxyo ka dhacay Caasimadda Wadanka Suudaan.

Sunday April 07, 2019 - 12:23:15 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku dhintay Dibad baxyo ka dhacay Caasimadda Wadanka Suudaan.

    Dibad baxyo rabshado wata ayaa markale dib ugasoo cusboonaaday wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dibad baxyo rabshado wata ayaa markale dib ugasoo cusboonaaday wadanka Suudaan ee dhaca bariga qaaradda Afrika.

Kumanaan kun oo qof ayaa shalay iskusoo baxyo ka dhigay magaalada caasimadda ah ee Alkhurduum waxayna xoog ku galeen xarumo muhiim ah oo ay ku shaqeeyaan madaxda ugu sarraysa dalka.

Dad caraysan ayaa xoog ku galay dhismaha xarunta uu deganyahay Cumar Xasan Al Bashiir oo ah madaxweynaha kaligii taliyaha wadanka Suudaan, sidoo kale dibad baxayaasha ayaa galay xarunta taliska ciidamada melleteriga Suudaan.

Rasaas xooggan oo ciidamada Al Bashiir ku fureen dibad baxayaasha ayaa sababtay dhimshada ilaa 6 qof sida uu sheegay guddiga iskaashatada dhaqaatiirta dalka Suudaan.


Guddiyada kacdoonka shacbiga ah ayaa ku eedeeyay ciidamada ammaanka dowladda Suudaan in awood xad dhaaf ah ay u adeegsanayaan kala eryidda dibad baxayaasha.

Hay'adaha sheegta in ay udoodaan xuquuqul insaanka ayaa ku eedeeyay Nidaamka Al Bashiir in dad ka badan 51 qof uu dilay tan iyo markii ay soo bilaawdeen dibad baxyada waqti kadda laga joogo Afar bilood ka hor.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items