Hal Askari kama Badbaadin Qarax gaari looga gubay Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose.

Sunday April 07, 2019 - 13:42:31 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hal Askari kama Badbaadin Qarax gaari looga gubay Ciidamada AMISOM oo ka dhacay Sh/Hoose.

    Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax aad u xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Buula Mareer oo katirsan gobolka Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax gaari looga gubay Ciidamada Uganda oo ka dhacay Sh/hoose
Khasaara lixaad leh ayaa ciidamada shisheeyaha AMISOM kasoo gaaray qarax aad u xooggan oo maanta duhurkii ka dhacay degmada Buula Mareer oo katirsan gobolka Sh/Hoose.


Jugta qarax aad u xooggan ayaa laga maqlay gudaha iyo hareeraha degmada waxaana la sheegay in qaraxa ay ku hoobteen ciidamo katirsan kuwa Midowga Afrika gaar ahaan kuwa ka socda dowladda Uganda.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qarax miino uu gabi ahaanba burburiyay gaari nuuca gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamada AMISOM, majiro hal askari oo ka badbaaday qaraxa waxaana dhintay dhammaan ciidamadii saarnaa gaariga sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.


Goob joogayaal ayaa sheegay in ay sheedda ka arkayeen holac iyo qiic ka baxaya goobta gaarigu ku gubtay, Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay Idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items