Maleeshiyaadka Dowladda Oo Qafaashay Imaamkii Masjidka Abaa Hureyra iyo Muslimiin kale.

Sunday April 07, 2019 - 19:21:05 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maleeshiyaadka Dowladda Oo Qafaashay Imaamkii Masjidka Abaa Hureyra iyo Muslimiin kale.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo raaf ah oo maleeshiyaadka dowlada Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda halkaas oo tobanaan shacab ah ay ku qab qabteen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo raaf ah oo maleeshiyaadka dowlada Federaalka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda halkaas oo tobanaan shacab ah ay ku qab qabteen.


Maleeshiyaadka Ashahaadda ladirirka ah ee loo yaqaan Bangaraafta Mareykanku tababaray ayaa maanta xoog ku galay masjidka Abaa Hureyra ee kuyaal gudaha suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku dhibaateeyeen jamaacadii ku cibaadeysanayay.

Goob jooge ka badbaaday howlgalkaas raafka ah oo ay sameeyeen maleeshiyaadka Bangaraafta dowladda Federaalka ayaa SomaliMeMo u sheegay in maleeshiyaadkan ay dhibaata xooggan ugeysteen dadkii ku dukanayay masjidka sida iyagoo ehaaneeyay islamarkaana Jirdil iyo aflagaaddo ugeysanayay.


"Ciidamo wajiyadu uduubanyihiin ayaa Masaajidka Abaa Hureyra soo galay, si xun ayay ula dhaqmeen muslimiintii gudaha masjidka ku tukanayay qaar badan oo kamid ah waxay dhaheen darbiga madaxa saara, caay iyo aflagaado ayayna noo geysteen Alle mahaddii aniga iyo dad kale waa ka badbaadnay shartooda balse imaamkii masjidka iyo dad badan ayay qafaasheen" ayuu yiri qof ka bad baaday raafkii Masaajidka.

Macalin Cabdiraxmaan Guure oo ahaa Imaamka Masjidka Abaa Hureyra iyo tobanaan kamid ah jamaacada Masjidka ayay ciidamada dowladda xireen waxayna udhaadhiciyeen dhanka xabsiyo qarsoodi ah oo kuyaal dhanka madaxtooyada Villa Somalia.

Falalkan gabood fallada ah ayaa qeyb ka ah dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo shacabka rayidka ah ee ku dhaqan gobolka Banaadir, dhinaca kale ugu yaraan 23 qof oo ubadan dhalinyaro wax ka baranaysay madaarista diiniga ah ayay ciidamada Booliska dowladda Federaalka saacadihii lasoo dhaafay ka qabqabteen deehaanka Ceelasha Biyaha ee dhaca galbeedka Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items