Ciidamo Mushaar la'aan ka Cabanaya Oo Gadood ka sameeyay degmada Xudur.

Monday April 08, 2019 - 11:29:46 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mushaar la'aan ka Cabanaya Oo Gadood ka sameeyay degmada Xudur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ay sameeyeen gadood ay uga cabanayaan mushaar la'aan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan maamulka isku magacaabay Koonfur galbeed ay sameeyeen gadood ay uga cabanayaan mushaar la'aan.

Boqolaal askari ayaa isku gedaamay xarunta maamulka degmada Xudur waxayna hareereeyeen Max'med Macallin oo ciidamada Xabashida Itoobiya ay umagacaabeen guddoomiyaha Xudur.

Ciidamada gadoodka sameeyay ayaa sheegay in muddo 5 bilood ah aan lasiin wax mushaar ah waxayna ku hanjabeen in ay fatqaladooyin hor leh sameyn doonaan haddii aan lasiin lacagaha mushaaraadka ah ee ka maqan.

Dhammaan ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan gobollada dalka ayaa ka cabanaya mushaar la'aan waxaana xusid mudan in Kheyre iyo Farmaajo ay mushaar la'aanta sabab uga dhigeen ciidamada oo diiwaan gelin loo sameynayo!.


Boqolaal askari ayaa isaga baxay deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Sh/Hoose waxaana deegaanadaasi si nabad gelya ah kula wareegay xoogaga shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items