Xildhibaan Fiqi "Usha Xaaji Muuse Suudi Gaaristeeda iyo Taabashadeedu wax sahlan maahan" Warbixin.

Tuesday April 09, 2019 - 10:27:40 in Wararka by Liibaan Jeexoow
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Fiqi "Usha Xaaji Muuse Suudi Gaaristeeda iyo Taabashadeedu wax sahlan maahan" Warbixin.

    Waxaa cirka iskusii shareeraya xiisadaha udhaxeeya Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cabdi Raxmaan Yariisoow oo dowladda Farmaajo ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeraya xiisadaha udhaxeeya Muuse Suudi Yalaxoow iyo Cabdi Raxmaan Yariisoow oo dowladda Farmaajo ugu magacaaban guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Xiisadaha oo salka ku haya dhulka loo yaqaan Xero Mariino ee degmada Kaaraan ayaa qarka usaaran in ay isku bedelaan gacan ka hadal lagu gobto, Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka dowladda Federaalka oo shalay booqday guri Muuse Suudi ayaa sheegay in ciidamado lagu daad gureeyay aagga Mariino.

Axmed Macallin Fiqi oo kamid ah xildhibaannada Booqday Muuse Suudi ayaa sheegay in gardarro lagu maagay Xero Mariino isagoo eedeyn kulul ujeediyay Cabdi Raxmaan Yariisoow iyo ciidamada Nabad sugidda dowladda Federaalka, qormo uu ugu magac daray "USHA XAAJI MUUSE GAARISTEEDA IYO TAABASHADEEDU WAX SAHLAN MAAHAN!" oo Fiqi uu ku faafiyay bartiisa Facebook-ga ayaa buuq hor leh ka dhax dhalisay taageerayaasha dowladda.


isagoo weerarayay Cabdi Raxmaan Yariisoow oo ah ninka wada abaabulka lagu barakicinayo Muuse Suudi ayuu Fiqi sheegay in warkiisu yahay mid qeyb ka ah Guul wadeyntii lagu yaqiin sida uu hadalka u dhigay "Lama yaabayo afhayeenkii hore ee xaajiga warkiisa, waayo wuxuu ku soo caanbaxey wax kasta oo xun oo la dhihi waayo in asaga makarafoon loogu dhigto, waxayna umadda Soomaaliyeed xusuustaan dhiibistii Halgamaa Qalbi Dhagax oo la waayey cid kudhacda in ay sheegato in asaga qoorta loo geliyey, maalmo ka dibna uu ka qoomameeyey tii shalayna waxba kama duwanaan doonto taas, sida middaas taariikhdiisa bar madow oo ku talla ay u noqotay ayay tanina u noqon doontaa hadalkii afhayeenka ee shalay" sidaas waxaa yiri xildhibaan Fiqi.

Isbuucii lasoo dhaafay ayay dowladda Federaalka boqolaal askari duldhigtay Xero Mariinno oo ay kuyaallaan guryo dabaqyo ka sameysan kuwaas oo ay deganyihiin qoysaska Muuse Suudi iyo dad kale oo ku heyb ah, wararka ayaa intaas ku daraya in saraakiil katirsan ciidanka DF-ka ay qeyb ka heystaan dhulka Xero Mariinno ayna wadaan abaabul ay isaga difaacayaan weerar uga yimaad xukuumadda Kheyre.

     Hoos ka akhri Nuxurka socdaalkii Xildhibaan Fiqi ee Xero Mariino.



Related Items